U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay Iney Ku Howlan Tahay Qaboojinta Dagaal Beeleedyada

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali ” Cali Xoosh” ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ku howlantahay qaboojinta Colaadaha ka jira qeybo gobollada dalka kamida.

Wasiirka oo ka hor hadlayay golaha Shacabka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay ku fooganyihiin qaboojinta colaadaha beelaha qaar ka dhex jira oo uu asagu ku tilmaamay khilaafaadka dadka walaalaha ah ka dhexeeya.

Sidoo kale wasiirka ayaa faahfaahin ka bixiyay hubkii dhowaan gacanta u galay dadka Caabudwaaq, isagoo tilmaamay in hubkaasi uu muddo yaallay gobolka Qorraxay ee dhulka Soomaali galbeed, ka dibna ay qolo ganacsato ahi si sharci darro ah dalka ku soo galiyeen.