U bood dhigaalka

Turkiga oo Markab Gargaar Bani’aadannimo ah Gaarsiiyay Suudaan oo Dagaal Ka Socdo

Markab laga leeyahay Turkiga ayaa gaaray dalka Suudaan, isagoo sita 2,408 tan oo gargaar bini’aadanimo ah, kaas oo ay dowladda Turkigu ugu talo-gashay dadka colaadaha sanadkii labaad Suudaan ka holcayaahi saameeyeen ee macaluusha qarka u saaran.

Gargaarkan ka yimid ankara ayaa jawaab u ah baaqyo kala duwan oo ay hay’adaha xuquuqul insaanka iyo dadka arrimaha Suudaan daneeyaahi dunida u direen, ayagoo ka dalbanaya in gurmad degdeg hala soo gaaro malaayiin dad ah oo dagaallada ku barakacay oo xaalad cakiran ku jira.

Hay’adda Gurmadka iyo Masiibooyinka ee Turkiga ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in markabkan uu siday 2,408 tan oo gargaar ah, oo isugu jira 1,986 tan oo raashin ah, 160 tan oo dawo ah iyo agab caafimaad oo ay bixisay wasaaradda caafimaadka Turkiga, 128 tan oo dhar ah, 90 tan oo agab nadiifin ah, iyo 44 tan oo bustayaal iyo agab hoy ah.

Dagaalka Suudaan oo sanad iyo bilo ka hor ka dhex qarxay militariga dalkaas iyo ciidanka fallaagoobay ee loo yaqaanno xoogagga gurmadka degdega ah ayaa saameyn ba’an ku yeeshay dadka rayidka ah, waxaana ku dhintay kumanaan qof, halka malaayiin kalena ay ku barakeceen.