U bood dhigaalka

Wariye Maxamed Isaaq Mursal oo Muqdisho Ku Geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday maxamed Isaaq Mursal oo ahaa wariye rugcaddaa ah oo muddo dheer ku soo dhex jirey, islamarkaana xilal kala duwan ka soo qabtay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Maxamed Isaaq Mursal ayaa madax ka ahaan jirey Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA oo saameyn weyn dunida ku lahayd beri-samaadkii, wuxuuna kaalin weyn ku lahaa hormarinta hannaanka warbaahinta Soomaaliya, gaar ahaan xagga qoraalka.

Geeridiisa ayaa waxaa ka tacsiyeeyay masuuliyiin dowladda ka tirsan, bahda warbaahinta madaxa-bannaan iyo qaar kamida dadkii ay isla soo shaqeeyeen.