U bood dhigaalka

Muxuu Yahay Xiriirka Ka Dhaxeeyo Hurdo Yaraanta iyo Xanuunnada Ku Dhaca Indhaha?

Adeegsiga badan ee qalabka casriga ah ee Teknoolajiyadda ayaa keena hurdo la’aan iyo dhafar xad-dhaaf ah , taas oo ay cudurro kala duwani ka dhashaan oo kuwa indhaha iyo maskaxda ku dhacaahi ugu horreeyaan sida bahda caafimaadka sheegeen.

DR. Shiine oo dhowaan warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hurdo la’aanta iyo soo jeedka badani ay keenaan 16 cudur oo ay kamid yihiin aragga indhaha oo aad u yaraada, madax-xannuun, dhiikarka, macaanka ama sonkorowga, stress-ka, difaaca qofka oo hoos u dhaca, wadna xanuun, ilowsha badan, degganaan la’aan, fahamka qofka oo hoos u dhaca iyo xannuuno kale.

Si lamida cuntada iyo biyaha helidda hurdo dheeli-tiran ayaa kamid ah waxyaabaha nolosha aas-aaska u ah, islamarkaana kaalin weyn ku leh bedqabka qofka iyo caadi ahaanta xaadiisa nafsaaniga ah, Waxaana loo baahanyahay in habeen kasta ama cawo iyo maalin walba qofka uu qaato ugu yaraan 8 saacadood oo jiif ah.

Sidoo kale dhaqaatiirtu waxay ku talinayaan in lagu dedaalo hurdada loo yaqaanno “qayluushiga” oo ah in salaadda duhur iyo tan casir inta u dhexaysa xoogaa la indha guduudsado 10 daqiiqoba ha noqatee, taas oo ay ku tilmaameen inay maskaxda sifayso, islamarkaana firfircooni badan laga helo.

Bahda caafimaadka ayaa sidoo kale qaba in layska yareeyo daawashada iyo eegidda badan ee telefoonada, islamarkaana habeenkii xilli feecan uu qofka seexdo, aroorena uu soo tooso, si uu uga nabad-galo xannuunada iyo culaysyada waxtarkiisa iyo fahamkiisa waxyeelaynaya, waxbarashadiisa, cibaadadiisa, iyo shaqadiisana hoos u dhigaya.