U bood dhigaalka

Ololaha Ka Hortagga Gaajada iyo Nafaqo-darrada oo Muqdisho Laga Daahfuray

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa Daahfuray Ololaha ku saabsan Ka hortagga gaajada iyo nafaqo-darrada carruurta oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda World Vision.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in bar madow oo ceeb ah ku tahay dalka iyo dowladda in sanad walba malyan iyo bar carruur ahi ay gaajo iyo nafaqo-darro noloshoodu halis gasho, islamarkaana labadii carruur ahba midkood uu wajahayo hagaas dhanka korriinka ah oo daruufta iyo gaajada ka dhashay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dacdarrada carruurtaas ay astaan u tahay sida uu aayaha dadka Soomaaliyeed u ekaadaan doono, maadaama ay ayagu yihiin jiilkii ama aynigii dalka dhaxli lahaa, ayagoo carrabka ku adkeeyay in loo baahanyahay in xal u helidda arrintaas layska kaashado oo si wadajir ah loogu istaago wax ka qabashadeeda.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan wasiirka Qorshaynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu sheegay in dowladdu ku howlantahay qorshe lagu hormarinayo nolosha hal malyan oo qoysas barakacayaala ah, kuwaas oo carruurtoodu ay naqa xumo iyo dac-darro la daalaadhacayaan.