U bood dhigaalka

Waa Kuma Baraha Wanaagsan Xilliga Tacliinta Lagu Gudajiro?

Barayaasha soomaaliyeed ee dhallinyarada ah ama aan kulliyadda wax barashada ka soo bixin, tababar feecan oo wax-gista la xariirana aan soo qaadan ee dugsiyada hoose dhexe iyo sare ka howl-gala, hibada wax gudbinta iyo ka dhaacintana leh ayay qormadani si gaar ah wax ugu iftiiminaysaa.

Waxay ku hagaysaa hannaanka wax-gista toolmoon iyo u diyaar-garowga howsha maalinlahaa ee baraha laga rabo inuu guto, waxayna barayaasha da’yarta ah ee shaqada ku cusub u tilmaamaysaa hab-raacyo haddii uu maro guul u horseedi doona oo shaqada uu hayo u fududayn doona.

Ugu horreyn howsha baranimadu waa xirfad muhiim ah oo hormarka dalka iyo hagaajinta qaab dhismeedka aragtida bulshada gaar ahaan da’yarta laf-dhabar u ah, waxaana macallinka looga baahanyahay tilmaamo ay kamid yihiin inuu sii diyaarsado, siina qorshaysto wixii uu ardayda u dhigi lahaa intaanu fasalka soo gelin, taasoo uu ka heli doono faa’iidooyinkan soo socda:

1) diyaarinta iyo qorshaynta casharku waxay baraha ka caawisaa fahmidda ujeedadda casharka iyo hadafka laga leeyahay ee la rabo in ardayda laga dhaadhiciyo.
2) waxay macallinka u fududaysaa xakamaynta fasalka iyo xiiso-gelinta ardayda.
3) baruhu intaanu fasalka soo gelin ayuu sii ogaadaa sida ugu habboon ee uu casharka u sharrixi doono.
4) baraha casharka soo diyaarsaday waa mid isku kalsoon oo dhiirran.

5) diyaarinta casharku waxay macallinka u fududaysaa maareynta waqtiga.
6) baraha casharka  soo diyaarsaday asagoo firfircoon ayuu xiisadda galaa, halka macalinka aan wax soo diyaarsani uu si caga-jiid ah xiisadda ku galo.

7) baraha casharku u diyaarsanyahay asagoo ku sii jiridda fasalka sii raba ayay xiisadda ka dhammaataa.
8) macalinka casharku u diyaarsanyahay wuxuu si aan hafasho lahayn uga jawaabi karaa weydiimaha kediska ah ee ardayda weydiiyaan.
9) wuxuu samayn karaa hor-dhac feecan oo ardayda dareenkooda soo jiita.
10) wuxuu sii diyaarsadaa waxyaabaha casharka la xadhiidha oo loo baahanyahay in ardayda si baraatiko ah loo tuso.

SIDEE LOO QORSHEEYAA CASHARKA?.

Qorshaynta casharku waxay u kala baxdaa 3 heer oo kala ah:
1) qorshe  sanadle (scheme of worko)
2) Qorshe  Todobaadle ah.
3) Qorshe maalinle ah.

1) QORSHE SANADLE AH.

Intaanu iskuulku furmin oo bilaha fasaxa lagu jiro ayuu macallinku sii qorsheystaa dhammaan casharradii uu 36-todobaad ee sanad-dugsiyeedka bixin lahaa, wuxuu isku jaan-gooyaa inta bog oo uu buuggu ka koobanyahay iyo todobaadyada uu haysto, Tusaale haddii uu buuggu 200 oo page ka koobanyahay wuxuu u qeybinayaa 36-ta todobaad ee sanad-dugsiyeedka: 36/200=0.18 weeks.

-) QORSHE TODOBAADLE AH.
markii laysku qeybiyo tirada bogagga buugga iyo todobaadyada uu sanad-dugsiyeedku ka koobanyahay waxa ka soo baxa ayaa lagu dhifanayaa cutub/chapter waliba inta bog oo uu ka koobanyahay, tusaale  bogagga buuggu waa: 200 page

Sanad-dugsiyeedkuna waa: 36 todobaad.
Cutubka 1-aad/chapter one: 27 page 
Isku qeybi: 36/200= 0.18
27×0.18: 4.86 todobaad ayaa soo baxaysa.

Sida natiijada ka muuqata haddii xisaabta jajabka laga saaro chapter haddii uu 27  bog yahay , 4 todobaad ama bil ayuu macalinku ku dhammayn karaa, asagoo maalin walba tiro go’an oo safxado ama bogog ah dhigaya.

QORSHE MAALINLE AH.

Macalinku markuu ogaado cutub walba ama chapter kasta inta todobaad oo uu ku dhammayn karo, wuxuu todobaadyada u sii kala  qeybinayaa maalmaha uu haysto, tusaale: haddii ay u soo baxdo inuu chapter 1 ama cutubka 1-aad oo ka  kooban 27 ku dhammayn karto 4 todobaad, wuxuu xisaabinaysaa todobaad walba inta maalmood oo uu xiisadda leedahay, ka dibna tirada guud ee maalmaha 4 todobaadyada ayuu u qeybinayaa 27-ta page ee uu chapter-ku ka koobanyahay.

Waxaan filayaa inay barayaasha soomaaliyeed qormadan wax badan ka korsan doonaan, intii hore u taqaanayna ay xusuusin u noqan doonto oo ay ku dhaqmi doonaan, haddii ay jadwalkan ku dhaqmaanna waxaa u fududaan doonta inay ardaydana si feecan iskula qabsadaan, manhajkuna u dhammaado xilli ku habboon.