U bood dhigaalka

Ciidamada Ammaanka oo Ku Guuleystay Soo Afharidda Weerarkii Lagu Qaaday Hotel Ku Yaalla Liido

Ciidamada nabad-galyada dowladda Soomaaliya ayaa goor dhow soo afjaray weerar ay koox hubaysani ku qaadeen xeebta liido ee degmada Cabdicasiis, halkaas oo khasaare baaxad lihi ka soo gaaray dad Soomaaliyeed oo goobta ku caweynayay.

Ciidamada ayaa toogtay 5 kamida kooxdii weerarka fulisay, islamarkaana soo badbaadiyay dad badan oo gudaha goobta la weeraray ku xayirnaa, waxaana hadda isbitaallada waaweyn ee magaalada lagu dabiibayaa dadkii ku dhaawacmay qaraxa iyo rasaasta sida aan kala joogsiga lahayn meesha uga dhacaysay, lamana oga tirada rasmiga ah ee dhimashada, balse dad badan ayaa la soo warinayaa inay ku geeriyoodeen dhacdadan xanuunka badan.

Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay ku dhawaaqi doonto tirada rasmiga ah ee khasaaraha weerarkan naxdinta leh, wuxuuna falkani ku soo beegmayaa laba todobaad ka dib markii qarax lagu dhiftay afaafka hore ee maqaayadda Top Coffee oo ayana aaggaas ku taalla ay ugu yaraan 5 qof ku dhinteen, tobanaan kalena ku dhaawacmeen.

Qayladhaanta hadda isbitaallada ka soo yeeraysa ayaa ah in loo baahanyahay in dhiig loogu deeqo dad ay waxyeelladu soo gaartay, waxaana isbitaallada qaar booqday masuuliyiin ka tirsan dowladda oo uu ugu horreeyo wasiir ku xegeenka Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Goobjoog.com