Muxuu Ku Qotomaa Safarka Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Kusoo Gaaray Addis Ababa?
Wasiirka arrimaha Dibadda dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa goor dhow gaaray Magaalada Addis Ababa, Wafdiga Wasiirka waxaa soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo la filayo iney kulan la qaataan gaar ah.
Socdaalka ayaa lagu tilmaamay inuu qayb ka yahay sii socodsiinta Wadahadallada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Abiy Axmed.
Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa horay kulan ugu dhexmaray dalka Turkiga. kulankaasi ayaa looga hadlay xadgudubkii Itoobiya ku sameysay Madaxbaanida Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa kulamo kala duwan la yeelan doona maamulka Abiy Axmed inta uu joogo Addis Ababa.
Turkiga ayaa dhex dhexaadinaya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo bisha soo socoto ee September loo balansan yahay wajiga labaad ee wada hadalada labada dhinac.
Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xiriirkooda xumaaday markii Itoobiya heshiis beenaad la gashay Somaliland.