U bood dhigaalka

Qarax Khasaare Dhaliyay oo Ka Dhacay Waddada Xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar

Wararka ka imaanaya deegaanka Gobalka Shabeellada dhexe ayaa sheegaya in qaraxa khasaare baaxad leh geystay uu ka dhacay wadada dheer ee isku xirta Magaalooyinka Jowhar iyo balcad, waxaana la soo warinayaa waxyeello nafeed oo aan illaa hadda tiradeeda la ogeyn.

Dadka qaraxa ku waxyeelloobay ayaa ahaa rakaab ku safrayay gaari halkaa marayay, mana cadda in qaruxu uu ahaa mid miino oo wadada lagu aasay iyo baabuurkaas si gaara loola beegsaday, waxaana is isoo taraysa xogta ku saabsan qaraxan naxdinta leh.

Sawirro goobta laga soo qaaday ayaa muujinaya burbur lixaad leh oo soo gaaray gaariga qaruxu haleelay, waxayna dhacdadani ku soo beegsamaysaa saacado yar ka dib markii qarax 33 qof ay ku geeriyoodeen, 64 kalena ay ku dhaawacmeeni uu ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ee gobolkan Banaadir.