U bood dhigaalka

Dowladda Mali oo Xiriirka Diblomaasiyadeed u Jartay Ukraine iyo Eedo ay u Jeedisay

Dowladda Mali ayaa ku dhawaaqday inay xiriirka diblumaasiyadeed u jartay dalka Ukraine, iyadoo ku eedeysay dilka ku dhowaad 50 askari oo ciidankeeda kamida iyo calooshood u shaqeystayaal ka tirsan kooxda Wagner ee Ruushka, kuwaas oo bishii hore lagu laayay dagaal ka dhacay waqooyiga Mali.

Mali ayaa sheegtay in sarkaal sare oo ka tirsan militariga Ukraine uu qirtay inuu kaalin ku lahaa jabkii cuslaa ee bishii Luulyo soo gaaray ciidanka Mali iyo calooshood u shaqeystayaasha Wagner, kaas oo lagu dilay tobanaan kamida xoogaggaas oo u dagaalamayay xukuumadda Bamako.

Kooxaha Fallaagada ah ee ka soo horjeeda dowladda Mali ayaa xilligaas sheegay in ay dileen ugu yaraan 84 calooshood u shaqeystayaal ah iyo 47 askari oo ka tirsan ciidanka Mali, ka dib dagaal qaatay saddex maalmood oo dabayaaqadii bishii hore ka dhacay waqooyiga dalkan ku yaalla galbeedka Afrika, taasoo ahayd guuldaradii ugu cusleyd ee Wagner soo gaarta tan iyo markii ay aaggaas ka howlgallada ka billaabeen laba sano ka hor.