U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaarihii Bangladesh oo Dalka Isaga Carartay Kadib Dibadbaxyo Tobaadyo Ka Socday

Taliyaha ciidamada Bangladesh General Waker-Uz-Zaman oo la hadlay shacabka ayaa xaqiijiyay in Ra’iisul Wasaarihii dalkaas Sheikh Hasina ay is casishay, isla markaana dowlad ku meel gaar ahi ay dalka sii maamuli doonto, ayadoo wararka qaarna ay sheegayaan inay caasimadda isaga carartay ka dib markii dibadbaxayaal caraysani ay qasriga madaxtooyada ugu galeen.

Bangladesh ayaa waxaa ka socda bannaanbaxyo kacdoon isku badelay oo ay dhallinyaro shaqo la’aan ka cabanaysaahi hormuud ka yihiin, waxaana maalmihii la soo dhaafay dibadbaxyada ku dhintay boqolaal dad ah, ka dibna markii at ciidamada iyo bannaanbaxyaashu is fara saareen.

Sheikh Hasina oo ah haweenay 76 jira, ayaa waxaa Aabe u ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Bangladesh Sheikh mujibur Rahman, ayadoo muddo 20 sano ah dalkaas Ra’iisul wasaare ka ahayd, waxaana mararkii ugu dambeeyay sheegayaan inay saacado ka hor is casishay, ka dibna diyaaradda nooca qumaatiga u kaca ah ugu baxsatay dhinaca dalka deriska ah ee Hindiya.