Guddiga Madax-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta xarunta dhexe ee Guddiga kulan kula yeeshay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Marwo Khadiija Al-Makhsuumi, iyo masuuliyiin sare oo ay hoggaaminaysay.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray ka-qaybgalka haweenka ee doorashooyinka, gaar ahaan ilaalinta qoondada haweenka ee 30%, iyo sidii loo xaqiijin lahaa ka-qaybgalka dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee geeddi-socodka doorashooyinka.
Kulankan oo daba socday wada-tashiyo hore, ayaa labada dhinac waxay dib ugu qiimeeyeen horumarka laga sameeyay ilaalinta qoondada haweenka iyo ka-qaybgalka dadka baahiyaha gaarka ah qaba, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay tallaabooyinka lagu sii xoojin karo arrimahaasi.
Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa isku raacay in la xoojiyo wada-shaqeynta Guddiga iyo Wasaaradda, iyadoo la dhisayo guddi heer farsamo ah oo u xilsaaran isku-dubbaridka iyo ka wada shaqeynta arrimaha ay labada dhinac iska kaashan karaan, si loo sii xoojiyo horumarka laga gaaray ka-qaybgalka haweenka iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee doorashooyinka.