U bood dhigaalka

Guddiga doorashooyinka oo Shaaciyay Jadwalka Cusub ee Doorashooyinka Isku-sidkan ee Hirshabeelle

Ogoosto 31, 2026

Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si rasmi ah u soo saaray jadwalka cusub ee doorashooyinka isku-sidkan ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle.

Ka dib markii guddigu dib u dhigay doorashadii qorsheysnayd 20-ka Agoosto 2026, iyadoo loo cuskaday waajibaadka shaqo ee Qodobka 10aad ee Sharciga GMDQS iyo Qodobka 18aad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Sida ku cad jadwalka rasmiga ah, Geedi-socodka doorashada ayaa bisha Sebtembar 2026. Waxaa 2-da Sebtembar lagu bilaabayaa shaacinta liiska hordhaca ah ee diiwaanka codbixiyaha, halka 15-ka Sebtembar la astayn doono goobaha codbixinta. Diiwaangalinta iyo qaybinta kaararka codbixiyaha ayaa bilaabanaysa 16-ka Sebtembar, waxana ku xigi doona 17-ka Sebtembar soo gudbinta liiska musharixiinta golaha wakiillada iyo deegaanka.

Liiska kama-dambaysta ah ee codbixiyayaasha ayaa la faafin doonaa 19-ka Sebtembar, halka 22-ka Sebtembar la shaacin doono liiska rasmiga ah ee musharixiinta ururrada siyaasadda.

Tallaabooyinka lagu soo gabagabeynayo hawsha ayaa iyaguna mid ka mid ah mid ku xigi doona, iyadoo 24-ka Sebtembar lagu dhex muujin doono soo gudbinta wakiillada ururrada ee goobaha codbixinta, ka dibna 26-ka Sebtembar aqoonsi rasmi ah lagu siin doono wakiillada iyo korjoogtada.

Ololaha doorashada ayaa si rasmi ah u xirmi doona 28-ka Sebtembar, iyadoo maalinta u dambaysa ee codeynta oo ah Maalinta Doorashada loo mudeeyay 30-ka Sebtembar 2026. Guddigu wuxuu ku baaqay in ururrada siyaasadda, shacabka Hirshabeelle, iyo dhammaan daneeyeyaasha ay isu diyaariyaan ka-qaybgalka doorashadan xasaasiga ah.