U bood dhigaalka

Xog Cusub oo Kasoo Korortay Maxaabiis La Sheegay Iney Ka Baxsatay Xabsi Ku Yaalla Gaalkacyo

Ayadoo saacado ka hor guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug, ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdinuur Muuse Nuur ” Sanyare” uu bartiisa facebook-ga soo dhigey qoraal ku saabsan maxaabiis dil ku xukunnaa oo xabsiga ka baxsaday ayaa xogo cusub dhacdadaas laga helay.

12 xukumane oo ka tirsanaa Alshabaab ayaa l sheegay inay ka xalay saqdhexe ka baxsadeen saldhig aad loo illaaliyo ammaankiisa oo ku yaalla magaalada Galkacyo, saldhiggaasi oo ay gacanta ku hayso Puntland, laguna xiro xukumanayaasha iyo eedaysanayaasha Alshabaab, sida xogo ay sheegayaan.

Lama oga qaab ay u suurta-gashay inay raggaasi ka baxsadaan maadaama goobta aad loo illaaliyo, balse waxaa jira tuhun ah in cid kale ay u fududaysay fakashada, ayadoo xildhibaan Sanyare qudhiisu uu sheegay in loo baahanyahay in lala xisaabtamo kuwa gacanta ka geystay dhacdadan.

ciidamada nabad-galyada Puntland howgallo degdeg ah sameeyay ayaa gacanta ku soo dhigey 8 ka mid ah raggii baxsaday sida laga soo xigtay saraakiisha, balse 4 kale ayaan illaa hadda la ogayn meel ay jaan iyo cirib dhigeen, kuwaas oo qaarkood ay ku xukunnaayeen dil toogasho ah.