U bood dhigaalka

Diyaarad Helicopter ah oo Ku Burburtay Dalka Nepal iyo Khasaare Ka Dhashay

Diyaarad Helicopter ah ayaa ku burburtay kayn ka baxsan caasimadda dalka Nepal, wax yar uun ka dib markii ay kacday ka garoonka, waxaana ku dhintay dhammaan dadkii sarnaa oo ahaa shan qof sida ay saraakiisha dalkaasi sheegeen.

Diyaaradan oo nooca qumaatiga u kaca ahayd, ayna lahayd shirkadda Dynasty air ayaa ku burburtay kaynta buuralayda Himalayan ee degmada Nuwakot oo 57 km u jirta caasimadda dalkaasi Nepal ee Kathmandu, sida laga soo xigtay ku xigeenka guddoomiyaha degmada Krishna Prasad Humagain.

Sargaal lagu magacaabo Dan Bahadur Karki oo u hadlay booliska ayaa xaqiijiyay in dhamaan afarta qof ee rakaabka ah ay u dhasheen dalka Shiinaha, ayna isugu jireen saddex rag ah iyo hal dumar ah, halka duuliyihii diyaaradda uu ahaa nin u dhashay dalka Nepal.

Dadka deegaanka ayaa arkay dab ka kacay keymaha, waxayna ku wargeliyeen maamulka, sida uu sheegay Dan Bahadur, Diyaaradda ayaana ku sii jeeday degmada Rasuwa, ayadoo ka soo duushay caasimadda Kathmandu, wwxaana shilkii labaad ee wax ka yar bil halkaas ka dhaca, waxaana diyaarad 24-kii July aaggaas ka dhacay ku dhibtay 18 qof oo ahaa shaqaale markab.