U bood dhigaalka

Dowlada Ruushka oo Ukraine Ku Eedeysay Taageeridda Kooxaha Argigixisada ah

Ruushka ayaa Ukraine ku eedeeyay in ay xiisad colaadeed ka hurinayso dalalka galbeedka Afrika ka dib markii Mali iyo Niger ay xiriirka diblumaasiyadeed u jareen Kyiv, iyagoo sheegay inay taageerto kooxaha argagixisada ah ee halista ku ah nabad-gelyadooda.

Eedeynta Moscow ayaa daba socotay war ka soo baxay dowladda militariga Niger oo ay xiriirka u jartay Ukraine, kuna eedaysay gacan siinta fallaagada islaamiga ah ee ka soo horjeeda, ayadoo dhawr dowladood oo ku yaalla Galbeedka Afrika ay ayaguna dhowaan ka goostay xiriirkii soo jireenka ahaa ee ay la lahaayeen reer galbeedka si ay ugu biiraan xulufada Ruushka.
Xukuumadda Moscow ayaa dhankeeda saldhigyo ciidan ka samaysatay dalalķaas, ayadoo sidoo kale geysay ciidamada calooshood u shaqeystayaalka ah ee loo yaqaanno Wagner, kuwaas oo ku sugan meelo badan oo galbeed Afrika kamid ah, halkaas oo laga saaray Mareykanka iyo Faransiiska.