U bood dhigaalka

Dowladda Brazil oo Baareysa Sababta Keentay Diyaarad Ku Burburtay Gobolka Sao Paulo

Mas’uuliyiinta dalka Brazil ayaa ku howlan sidii ay u ogaan lahaayeen waxa sababay in diyaarad dad rakaab ahi ay saarnaayeeni ay ku burburto gobolka Sao Paulo, ayna ku dhinteen dhammaan 62-kii qof ee la socday, taas oo lagu tilmaamay mid kamida shilalkii diyaaradeed ee ugu xumaa taariikhda duulimaadyada ee dalkan ku yaalla Koonfurta Ameerika.

Kooxaha difaaca madaniga ah oo howlgal adag oo baaritaan ah ku jira ayaa helay haraaga burburkii diyaaradda iyo qaar kamida meydadkii rakaabka ee ku dhintay duulimaadka Voepass airline oo ku burburtay dab xoogan oo ka kacay meel u dhow magaalada Vinhedo.

Ugu yaraan 31 qof ayaa maydkooda laga helay goobta shilka, ayadoo dawlad goboleedka gobolka Sao Paulo ay sheegtay in meydadka duuliyihii iyo kaaliyihii duuliyaha la aqoonsaday, balse raqda dadkii kale iyo shaqaalihii qaarkood si feecan looma garan sida uu tibaaxay duqa magaalada Vinhedo, Dario Pacheco, duqa magaalada Vinhedo.

Duulimaadka diyaaradda maxalliga ah ee Voepass ayaa ku wajahnaa garoonka caalamiga ah ee Sao Paulo, waxaana la socday 58 qof oo rakaab ah iyo afar shaqaale ah, balse waxay gashay shil lama filaan ah oo galaaftay nolosha dhammaan intii saarnayd oo tiradoodu ahayd 61.