U bood dhigaalka

Hoggaamiye Ka Tirsanaa Kooxda Al-shabaab oo Isku Soo Dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Hoggaamiye sare oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab, laguna magacaabo Aaden Raabbi Cabdullaahi ayaa isku soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka ee uu fadhigoodu yahay degaanka Farlibaax oo 45 km u jira magaalada Beladweyne, dhanka galbeedna kaga beegan.

Aaden Raabbi ayaa sheegay in uu go’aansaday inuu isaga baxo kooxda, asagoo xusay in muddo uu Alshabaab ka tirsanaa ka dib uu doonayo inuu soo gebangabooyo la shaqayntooda iyo xubin ahaantooda sababo la xariira nolosha adag ee ay ku jiraan.

Guddoomiyaha degaanka Farlibaax Axmed Aaden Xasan ayaa sheegay in ay sidoo kale gacanta ku hayaan laba xubnood oo ajaaniib ah kana tirsanaa kooxda Alshabaab ka dib howlgallo ay ka fuliyeen Ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka nawaaxiga Farlibaax, wuxuuna xusay in ay u gudbin doonaan maamulka Hirshabeelle.