U bood dhigaalka

Dadka reer falastiin ee ku dhintay dagaalka Qasa oo 40 kun sare u dhaafay

Wararka ka imaanaya marinka Qasa ayaa sheegaya in weerar saacadihii la soo dhaafay Israa’iil ay ku qaaday guri ku yaala xerada qaxootiga ee Jabalia ee waqooyiga Qasa ay ku dhinteen dhowr qof oo rayid ah oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan caruur, waxaana ku dhaawacmay dad kale oo badan, sida ay sheegtay wakaalada difaaca madaniga ah ee Qasa.

Dhanka kale in ka badan 12 qof oo dhimasho iyo dhaawacba isugu jia ayaa laga soo warinayaa Daanta Galbeed,  halkaas oo Israa’iiliyiin hubaysani ay weerar u geysteen dad reer Falastiin ah, iyagoo gubay baabuur iyo sidoo kalena  burbur baaxad leh oo hantiyeed geystay.

Wasaaradda Caafimaadka Qasa ayaa ayaduna ku dhawaaqday in tirada dhimashada dadka reer Falastiin ay gaartay 40 kun oo waliba ku dhowaad 10 qof ay weheliso, taas oo ah isku darka ama wadarta dadkii ku dhintay dagaalka iyo duqaymaha Israa’iil ee bishii 10-aad ka socda Qasa.
Goobjoog.com