U bood dhigaalka

Guddiga Gurmadka Qarixii Liido oo sheegay in deeq lacag ah la siin doono ehelada dadkii ku dhintay qaraxaas.

Guddiga gurmadka qarixii xeebta Liido oo kulanka ku yeeshay magaalada muqdisho, ayaa ballan-qaaday inay deeq lacag ah gaarsiin doonaan ehelada dadkii ku dhintay qaraxii lagu hoobtay ee labadii bishan ka dhacay xeebta Liido.

Kulanka guddiga gurmadka oo uu shir guddoomiyay wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga mudane Faarax Sheekh Cabdulqadir, ayaa lagu soo saaray bayaan ay qeyb ka ahayd in lacag laba kun oo dollar ah la siiyo qoysaskii ay ku geeriyoodeen dadkii qaraxa ku naf waayay.

Guddiga ayaa shaaciyay in tirada dadka dhintay ee ay qoysaskooda lacagta siinayaani ay gaarayaan 31 qof, halka kuwo kalena ay hubintooda ku howlanyihiin sida lagu sheegay bayaanka ka soo baxay kulanka guddiga.Musiibadii xeebta Liido ayaa sababtay dhimashada ku dhowaad 40 qof, halka dhaawacuna uu intaas laban laab ka sii badnaa, waxaana guddiga ay dhowaan shaaciyeen in dadkii qaraxa ku dhaawacmay ay lacagta min kun dollar ah ugu deeqi doonaan, qarashka isbitaalladana ka bixinayaan.