U bood dhigaalka

Guddiga qarixii xeebta liido oo deeq lacaga u qeybiyay qaar kamida qoysaska dadkii ku dhintay qaraxaas.

Guddiga Gurmadka Qaran ee Qaraxi Liido ayaa ehellada dadkii ku naf-waayay qaraxaas u qeybiyay deeq lacag ah oo ay aruuriyeen intii ay howlaha birmadka wadeen, waxayna qoysaska dadkii ku dhintay weeararka u qeybiyeen adduun lacageed oo min $2000 oo doolar ah.

Tirada dadka lacagta loo qeybiyay ayaa ah 36 oo kamida dadkii eheladoodoodu ku dhinteen qarixii lagu hoobtay ee 2-dii bishan Agoosto ka dhacay xeebta Liido, waxayna guddigu sheegeen inay jiraan dad kale oo loo diiwaangeliyay xegta dhibaneyaashii geeriyooday, islamarkaana la hubinayo.

Qaraxii xeebta Liido ayaa galaaftay nolosha ku dhawaad 40 qof oo dhallinyaro u badnaa, halka tiro intaas ka badanina ay ku dhaawacmeen, waxaana weli isbitaallada ku jira qaar kamida dadkii ay waxyeelladu ka soo gaartay musiibadaas.