U bood dhigaalka

Ugu yaraan 4 qof oo ku dhintay biya-xireem ku dumay dalka Suudaan

Wararka ka imaanaya dalka Suudaan ayaa sheegay in biyo-xireen ku yaal waqooyi bari ee dalkaasi uu  dumay, ka dib markii roobab lixaad lihi ay halkaas ka da’een, kuwaas oo horseeda daadad iyo fatahaado sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadku.

Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay  ku sheegtay in uu dumay biyo xireenka Arbaat ee waqooyiga magaalada Port Sudan, kaasoo ay ku dhinteen afar qof, sidoo kalena ay biyi qaadeen guryo badan oo aagas ku yaallay.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in agabkii la geeyey deegaanka si loogu caawiyo dadka go’doonsan, Sida uu sheegay mas’uul maxalli ah oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Sudan ee al-Taghyeer, kaas oo tilmaamay in laga cabsi qabo in dhimashadu ay gaari karto ugu yaraan 60 qof, iyadoo tiro intaa ka badanna la la’yahay, balse 4 qof dhimashadooda la hubo.

Musiibadan ayaa ku soo beegantay xilli dalka Suudaan ay ka holcayso colaad lagu hoobtay oo u dhexaysa ciidamada dowladda iyo xoogagga fallaagada ee lagu magacaabo RSF.