U bood dhigaalka

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gacanta ku soo dhigey askari la sheegay inuu ku xadgudbay dad muwaadiniin ah.

Booliska Soomaaliya ayaa xiray askari lagu eedeeyay inuu fal xadgudub ah u geystay dadweyne wadda marayay, islamarkaana uu sameeyay arrin anshaxa booliska iyo sharafta bulshadaba meel ka dhac weyn ku ah.

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga boliiska degmada Dharkeynley ayaa xiray askari ka tirsan Ciidanka Boliiska oo lagu eedeeyay inyy u gafay muwaadiniin Soomaaliyeed.

Askarigan ayaa baraha bulshada ka soo muuqday ayagoo qori ku cabsi gelinaya dadweyne wada marayay, islamarkaana falkaas xadgudub ka ah qaab kaftan u samaynaya, asagoo muuqaal ahaan isaga duubaya.

Ciidanka booliska ayaa waxay sheegeen inay eedeysanahan sharciga la tiigsan doonaan oo maxkamadda galdacwadeedkiisa awoodda u leh hoegeyn doonaan.