U bood dhigaalka

Kooxda Xuutiyiinta oo oggolaatay in loo gurmado markab badda cas ku gubanaya

Dowladda Iiraan ayaa sheegay in kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ay ogolaatay in doomo iyo maraakiib gurmad ahi ay halkaas gaaraan , si ay u damiyaan markab wada saliid ceyriin oo ku gubanaya Badda Cas, ka dib markii Xuutiyiinta weerareen todobaadki hore.

Markabkan oo wata calanka Giriiga ayaa wada ilaa hal milyan oo barmiil oo saliid ceyriin ah, masiiliyiinta markabka ayaana ka digay in saliidda ku daadaneysa badda ay keeni karto mid ka mid ah khataraha ugu weyn ee dhanka deegaanka ah ee soo marta caalamka.

Qoraal kasoo baxay xafiiska holgalka Iran ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay, in iyada oo la tixgelinayo walaaca dhinacyada bani’aadannimada iyo deegaanka ay kooxda Xuutiyiintu aqbashay in doomo iyo maraakiib gurmad ahi u tagaan markabka gubanaya.

Afhayeenka Xuutiyiinta Yemen, Mohammed Abdulsalam ayaa Arabacadi u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, in aysan jirin wax xabbad-joojin ah, balse ay kaliya kooxdu ogolaatay jiidista markabka shidaalka ee lagu magacaabo Sounion, ka dib markii dalal badan oo caalamka ahi ay kooxda la soo xiriireen sida uu tilmaamay.