U bood dhigaalka

Madaxweynaha JFS oo kulan xasaasi ah la yeeshay Taliyaasha iyo madaxda wasaaradda gashaandhigga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Taliiska Ciidanka Xoogga Dalka kulammo kula qaatay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, kulamadaas oo ku saabsanaa xoojinta amniga iyo xoreynta dalka.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Saraakiisha hoggaaminaya qeybaha kala duwan ee Talisyada Ciidamada ayaa la wadaagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda warbixinno ku saabsan howlgalada dalka looga kooxda Alshabaab.

Kulamadan ayaa ku soo beegmay xilli cadowga Itoobiya uu sii wado daandaansiga iyo ku xadgudubka madax-bannaanida iyo midnimada dalka, dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaabna la doonayo in la dardargeliyo.