U bood dhigaalka

Booliska dalka Tuniisiya oo xabsiga u taxaabay siyaasiga ugu cadcad mucaaradka dalkaas

Booliska dalka Tuniisiya ayaa xiray siyaasi mucaarad ah oo caan ah, iyadoo la xaqiijiyay inuu ka mid ahaa laba qof oo doorashada kula loolami lahaa madaxweynaha hadda talada haya Kais Saied.

Ayachi Zammel ayaa la xiray aroornimadii isniinta, wax yar ka hor ku dhawaaqistii guddiga doorashada ee dalka oo shaaciyay  inay  ku dareen liiska ugu dambeeya ee musharrixiinta doorashada dhici doonta 6-da  bisha soo socata ee Oktoobar.

Kooxaha xuquuqda  aadana u dooda madaxweyne Kais Saied  ku eedeeyay inuu doonayo inuu tirtiro tartanka siyaasadeed, xilli siyaasiga mucaaradka ah ee Zammel  loo kaxeeyay saldhig booliis oo ka baxsan caasimadda Tunis,  isaga oo la sheegay in looga shakiyay in uu been abuur ku sameeyay taageerada uu ku doonayo in uu ka qayb qaato doorashada.