U bood dhigaalka

Qaadistii Cuna-qabataynta Hubku maxay ka badashay Cududda ciidan ee Soomaaliya ?

Ku dhowaad 10 bilood ayaa laga joogaa xilligii Soomaaliya laga qaaday cuna-qabatayntii hubka ee saarnayd muddo ku 31 siman sano, taas oo ahayd mid kamida guulihii ugu waaweynaa ee laga gaaray dib u dhiska dowlidnimada dalka.

Qaadista cuna-qabatayntu waxay ahayd tillaabo ay dadweynaha Soomaaliyeed aad ugu farxeen, islamarkaana loo arkayay mid xoojinaysa ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dalka oo muddo dheer u nuglaa fara-gelinta shisheeyaha,  soohdimihiisuna ay iska furnaayeen oo ciddii doontaahina ay iska soo geli jirtay.

Guushaas taariikhiga ah ka dib
Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in qaadista cuna-qabatayntu ay horseedi doonto in ciidanku xoogga dalku ay heli doonaan hub culus iyo saanad casri ah oo ay cadowga gudaha iyo midka dibedda ku waji karaan .

Inkastoo arrimaha iyo xogta ciidamada qaranku ay yihiin sir aan faafinteedu habboonayn haddaba xilligan oo uu dalku xaalad adag ku jiro, islamarkaana difaaca dalka shacab iyo dowladba loo diyaargaroobaya helidda hubka midka cadowga Itoobiya lamida ama ka casrisani waa riyo rumaynteeda Alle ka sokow ay lama huraan tahay in madaxda qaranka wax laga weydiiyo.