U bood dhigaalka

Shiinaha iyo Afrika oo Dhisaya Xiriir Dhaqaale iyo Fursadaha Soomaaliya ka heli doonto Shirka Beijing

Shirka madaxeedka Shiinaha iyo dalalka Afrika ee Beijing ayaa lagu wadaa in uu yeesho saameyn ballaaran oo ku saabsan istaraatijiyadda dhaqaale iyo siyaasadeed ee labada dhinac. Shirka ayaa maanta ka furmay Shiinaha.

Waxaa la filayaa in kulankan uu fursad u noqdo in la xoojiyo iskaashiga dhaqaale ee labada dhinac, iyada oo la isku dayayo in la helo heshiisyo cusub oo ku saabsan maalgashiga iyo iskaashiga.

Madaxweyne Xi Jinping ayaa si weyn u doonaya in uu hormariyo xiriirka dhaqaale ee Shiinaha iyo Afrika, isagoo kor u qaadaya iibsashada alaabooyinka Shiinaha iyo soo saarista wax soo saarka korontada iyo tiknoolojiyadda. Tani waxay u noqon kartaa fursad ay Shiinaha ku muujinayaan awoodooda tiknoolojiyadeed iyo ganacsi ee gobolka.

Dhinaca kale, madaxda Afrika ayaa sidoo kale la filayaa inay ka faa’iideystaan shirkan, iyagoo soo bandhigi doona baahiyahooda iyo qorshayaashooda maalgashi.

Waxa ay ku doonayaan in Shiinaha ay ka taageeraan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, sida waddooyinka, tareenada, iyo dekedaha, si loo kobciyo suuqyada gudaha iyo xoojinta xiriirka ganacsi.

Sidoo kale, madaxda Afrika ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan sidii Shiinaha uga qeyb qaadan lahaa kobcinta wax soo saarka gudaha iyo horumarinta warshadaha Afrika. Tani waxay u noqon kartaa fursad muhiim ah oo lagu xoojiyo xiriirka ganacsi iyo maalgashiga, iyadoo la adeegsanayo heshiisyo iyo iskaashi cusub oo waxtar leh.

Shirkan ayaa fursad weyn u noqon doona Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ka qeyb qaadan doonto wada-hadalada muhiimka ah ee ku saabsan maalgashiga iyo iskaashiga dhaqaale ee gobolka. Waxaa la rajeynayaa in shirkan uu Soomaaliya ka caawin doono horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo kor u qaadista fursadaha ganacsi ee dalka. waxaa ku sugan Shiinaha wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan.