Khubarada Geeska Afrika: Welwelka Itoobiya oo Kordhay Ka Dib Qorshaha Ciidanka Masar ee Soomaaliya
Khubarada Geeska Afrika ayaa aaminsan in Itoobiya ay si weyn u muujisay welwelka kadib qorshe cusub oo Masar ay ku doonayso in ciidamadeeda ay ku geyso Soomaaliya.
Qorshahani wuxuu ka dhashay xilli ay jirto xiisad sii kordhaysa oo u dhaxaysa Itoobiya iyo dalalka Soomaaliya iyo Masar.
Dawladda Masar ayaa qorsheynaysa in ay ciidamadeeda geyso Soomaaliya, iyada oo la tixraacayo heshiisyo milateri iyo isfaham dhinaca amniga ah. Tallaabadan ayaa waxaa looga golleeyahay in lagu taageero ciidanka Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa ammaanka gobolka.
Soomaaliya iyo Masar ayaa dhawaan ka wada hadlay sidii ay u xoojin lahaayeen xiriirkooda militariga, taasoo ka dhigtay in Itoobiya ay dareento cabsi ku saabsan qorshayaashan cusub.
Shalay Abiy Axmed ayaa meel Fagaare ah ayuu ka sheegay in dalkiisa duulaan lagu soo yahay. xilli Itoobiya ay ku xadgubtay madaxbaanida Soomaaliya markii ay heshiis la gashay Somaliland bilowgii sanadkaan.
Dhinaca kale, Itoobiya iyo Masar waxay isku heystaan arrimo ku saabsan wabiga Niile, gaar ahaan qaybta uu wabigu ka socdo gudaha Itoobiya. Masar ayaa si weyn uga welwelsan qorshayaasha Itoobiya ee ku saabsan xakamaynta iyo isticmaalka biyaha wabiga Niile, iyadoo ay Masar u aragto in talaabooyinkaas ay khatar ku yihiin ilaha biyaha ee muhiimka ah.
Sidoo kale Khubarada geeska Afrika ee dhanka Siyaasadda ayaa aaminsan in Soomaaliya ay kaga guuleystay Itoobiya Siyaasadda arrimaha dibada.
Ururada Hubeysan ee ka jira Itoobiya ayaa sidoo kale dhul cusub qabsaday maalmihii lasoo dhaafay. waxa ay ku eedeeyeen Abiy Axmed in uu Qatar ku yahay nabada geeska.
Kordhinta xiisadaha iyo iskaashiga ka dhanka ah Itoobiya ee gobolka ayaa ka dhigaya xaaladda siyaasadeed ee Geeska Afrika mid murugsan.