U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Aqalka sare oo kulan la yeeshay Danjiraha midowga yurub ee Soomaaliya

Sheeko:Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS Mudane Senator Abdi Hashi Abdullahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Marwo Karin Johansson oo wehliyo ku xigeenka Danjiraha Midowga Yurub Mudane Thomas Kieller.

Guddoomiyaha iyo Danjiraha waxay ka wada hadlay taageerada dhinacayada horumarinta ee Midowga Yurub uu siiyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan taageerada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna isla qaateen in Aqalka Sare oo ah Aqalka sida dastuuriga ah u metala dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, ilaaliyana nidaamka Federaalka ah gacan lagu siiyiiyo gudashada waajibaadkaas.

Danjiraha ayaa bogaadisay shaqada ballaaran ee u qabsoontay labada aqal ee Baarlmaanka 11-aad ee JFS oo ay ugu horreey Dib u eegista Dastuurka KMG ah iyo ka shaqaynta iyo meel marinta shuruucda kale ee uu ansaxiyay ama kuwa horyaala Labada Aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Cabdi Xaashi wuxuu sheegay in Guddiga Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee BJFS uu haatan ku howlanyahay gaababaynta cutubyada 5 illaa 9-aad ee Dastuurka, howl aad u bandanna uu ka qabtay, isla markaana marka guddigu dhammeeyaan howshaasna ay horkeeni doonnaan fadhiyada Labada Aqal ee BJFS.