Maxaa hortaagan in Dowladdu ay ciidamo geyso gobollada ku ay ku suganyihiin ciidanka Itoobiya
Xiisadda u dhexaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa gaarta meeshii ugu xumayd tan iyo markii uu khilaafka labada dal billowday horraantii sanadkan, kaas oo ka dhashay xadgudub ay xukuumadda Addis Ababa ku samaysay midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wixii ka dambeeyay xilligaas waxaa socday dagaal diblumaasiyadeed oo looga adkaaday Itoobiya, wuxuuna maamulka Abii Axmed la kulmay ceeb iyo waji gabax caalami ah oo ku qasbay dalbashada wada-hadallo xiisadda lagu qaboojinayo, taas oo Soomaaliya ay ku xirtay in marka hore meesha laga saaro is afgaradkii ay la galeen Muuse Biixi.
Kaasi waa dadaalkii dhinaca diblumaasiyadda ee ay dowladda Soomaaliya kaga guuleysatay Itoobiya, balse waxaa hadda muuqda ifafaalaha dagaal militari oo ay xukuumadda Addis Ababa dhaqdhaqaaqiisa waddo, islamarkaana laga dareemayo soohdimaha iyo xittaa gudaha Soomaaliya.
Itoobiya waxay hub culus iyo ciidamo tiro badan ku soo daabulaysaa dhulka Soomaali galbeed ee la haysto, gaar ahaan gobolka Shabeelle, sidoo kale waxaa diyaargarow istiraatiijiyadeed ku jira ciidamadeeda shaarka ATMIS gashan ee ku sugan gobollada Gedo, Bakool, Baay, iyo Hiiraan.
Ciidanka Itoobiya oo todobaad ka hor ku luglahaa abaabulka dibedbaxyo dalkooda lagu taageerayay oo ka dhacay magaalooyinka Xudur iyo Waajid ayaa saacado ka hor la xaqiijiyay inay la wareegeen garoonka diyaaradaha degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Qabshada garoonkan iyo dhaqdhaqaaqyo kale oo ay ciidamada Itoobiya aaggaas ka wadaan ayaa u muuqda diyaargarow dagaal, balse dowladda Soomaaliya weli ma qaadin tillaabo ay ciidamo dheeraadka ku geysanayso gobolladaas.
Xeeldheereyaasha arrimaha militariga ayaa qaba inaan Soomaaliya iyo Itoobiya midkoodna xilligan u diyaarsanayn dagaal toos ah, balse weydiinta aan weli jawaabta loo helin ayaa ah maxaa dowladda Soomaaliya ka hor taagan inay samayso dhaqdhaqaaqyo iyo abaabul ciidan oo lamida midka Itoobiya maadaama ay ayada duullaan lagu yahay ?