U bood dhigaalka

Khasaaraha dhimashada fahaado ku dhacay bartamaha yurub oo sii kordhaysa

Waxaa korortay tirada dadka ku dhintay fatahaado ku dhufatay bartamaha Yurub dabayaaqadii todobaadkii ina dhaafay, iyada oo khasaaraha ugu badan uu ka dhacay dalalka Czech Republic, Poland iyo Austria.

Dalka Czech Republic, hal qof ayaa ku qaraqmay tog ku dhow magaalada Bruntal ee Waqooyi-bari ee dalkaas, iyadoo ilaa hadda la la’yahay toddobo qof.

Dhanka Poland Afar qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen , inkastoo afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha guduhu uu sheegay in tirada dhimashadu ay intaas ka yartahay.

Dalka Austria, laba qof oo kala ah 70 jir iyo 80 jir ah ayaa ku dhintay waqooyi-bari ee dalka. Mid ka mid ah dadkaas oo deggan magaalada Höbersdorf ayaa sida muuqata isku dayayay inuu biya kasoo saaro gurigiisa markii uu daadku soo galay, sida ay ku warrantay warbaahinta Austria.

Siddeed dhimasho ah ayaa la diiwaan galiyay dhamaadkii todobaadkan Poland, Romania iyo Austria, halkaas oo nin ka sahqeeya dabdemiska u uku dhintay hawlgal samata bixin ah oo uu sameynayey.

Fatahaadan oo ka dhashay roobab mahiigaan ah ayaa lagu tilmaamay kuwii ugu xumaa ee muddooyinka ka dhaca dalalka bartamaha Yurub, waxaana weli isisoo taraysa waxyeellada ay geysteen.