U bood dhigaalka

Madaxweynaha ka wada hadleen guddoomiyeyaasha golaha shacabka iyo Aqalka Sare ee BJFS ?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa ku booqday Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dalka mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Labada masuul ayaa waxay ka wada hadleen shaqada Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayagoo isla soo hadalqaaday xoojinta iyo dardargelinta wada-shaqeynta labada aqal ee Baarlamaanka .

Sidoo waxay hoosta ka wada xariiqeen muhiimadda ay leedahay ka wada shaqeynta shuruucda muhiimka u ah horumarka dowladnimo ee dalka.