U bood dhigaalka

Waa kuma Janaraal Asad Cismaan Diyaano ?

madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed u magacaabay Janaraal Asad Cusmaan Cabdulaahi (Diyaano), oo badelaya Sarreeye Gaas SulubAxmed Firin oo kamid noqday Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Janaraal Asad Cusmaan Diyaano ayaa horay u ahaan Taliyaha Ciidanka PSF ee dowlad gobololeedka Puntland, sidoo wuxuu dhowr jeer u tartamay xilka madaxtinimada ee maamulkaas, waxaana Sargaal saameyn badan ku leh Ciidamada qalabka sida.

Asad Cusmaan Cabdulaahi (Diyaano) wuxuu sanadkii 1983-dii ku dhashay deegaanka gallaadi ee gobolka Doollo oo ka tirsan dhulka Soomaali galbeed ama dowlad deegaanka.

Waxbarashada aas-aasiga ah wuxuu ku qaatay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halka uu dugsiga sare uga baxay gudaha Puntland, sida uu asaga qudhiisu tilmaamay xilli uu sooyaalkiisa faahfaahin ka bixinayay.

Waxbarashada heerka jaamacadda ayuu ku soo qaatay dalka Hindiya, gaar ahaan jaamacadda Cismaani University, asagoo ku dhowaad 15 sano ku soo dhex jiray ciidamada.

Sidoo kale wuxuu muddo dheer hoggaan u ahaa Ciidanka PSF oo kamida guutooyinka ugu tayada feecan ciidamada Soomaaliya, waana sargaal aqoon iyo waayo-aragnimo u leh arrimaha nabad-gelyada.