Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde), oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa weli ku tilmaaman inuu ahaa hoggaamiye ku caan baxay daacadnimo, isla-xisaabtan iyo dhowrista nidaamka dimuqraadiyadda.
Taariikhda ayuu ku galay inuu noqdo hoggaamiyihii ugu horreeyay ee qaaradda Afrika ee si nabad ah xilka ugu wareejiya musharraxii kaga adkaaday doorasho dimuqraadi ah.
Maqaalkam oo uu qoray Aqoonyahan Mohamed Ibrahim Rashid ayaa lagu sheegay in inkastoo Aadan Cadde uu dhaxal weyn uga tagay Soomaaliya, haddana dowladihii isaga ka dambeeyay aysan si buuxda u gudan waajibaadkooda ku aaddan ilaalinta iyo xuska taariikhdiisa.
Qoraagu wuxuu xusay in Aadan Cadde uu ku soo koray nolol adag, hooyadii ayaa geeriyootay isagoo da’ yar, halka aabbihiis uu naafo noqday kadib weerar uu libaax ku soo qaaday.
Duruufahaas adag ayaa ku khasbay inuu shaqeeyo isagoo carruur ah, Si kastaba ha ahaatee, caqabadahaas kama hor istaagin inuu noqdo hoggaamiye ku suntan dulqaad, hufnaan iyo u adeegidda shacabka.
Markii Soomaaliya xorriyadda qaadatay sanadkii 1960-kii, Aadan Cadde wuxuu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka, ayadoo Intii uu xilka hayay uu ku dadaalay inuu dhowro dastuurka, xoojiyo hay’adaha dowladda iyo nidaamka dimuqraadiyadda.
go’aamadiisii ugu waaweynaa waxaa kamid ahaa inuu ka hormariyo danta qaranka danihiisa gaarka ah, waxaana
Waxyaabaha lagu xusuusto ka mid ah inuu diiday qorshe lagu kordhinayay mushaharka xildhibaannada, isla markaana uusan adeegsan awoodda dowladda si uu kursiga ugu sii nagaado.
Markii looga adkaaday doorashadii madaxtinnimada ee sanadkii 1967-kii, wuxuu si sharaf leh u aqbalay natiijada doorashada, wuxuuna xilka si nabad ah ugu wareejiyay madaxweynihii la doortay.
Tallaabadaas ayaa noqotay dhacdo taariikhi ah oo Afrika iyo caalamkaba si weyn looga ammaanay, ayadoo sidoo kale siyaasiyiin badani ay maanta magaca Aadan Cadde ku xusaan khudbadahooda, balse aysan ku dhaqmin mabaadi’dii uu ku caan baxay ee ahayd daacadnimo, isla-xisaabtan iyo dhowrista sharciga.
Waxaa sidoo kale lagu sheegay maqaalka in dowladihii kala dambeeyay ay qaadeen tallaabooyin kooban oo lagu maamuusayo Aadan Cadde, sida in Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho loogu magac daray, balse aysan jirin qorshe qaran oo waara oo lagu ilaalinayo taariikhdiisa.
Qoraagu wuxuu tilmaamay in sawirro mar lagu soo bandhigay Villa Soomaaliya markii dambe laga qaaday, isla markaana aan lagu beddelin xusuus-qaran u qalanta hoggaamiyahaas.
Warbixintu waxay xustay in shaqsiyaad iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed ay door weyn ka qaateen kaydinta taariikhdiisa, iyagoo qoray buugaag iyo daraasado ka hadlaya noloshii iyo hoggaamintii Aadan Cadde, taasoo muujinaysa in dadaallada gaarka loo leeyahay ay mararka qaar ka xoog badnaayeen kuwa dowladda.
Qoraagu wuxuu isbarbardhig ku sameeyay Soomaaliya iyo Senegal, isagoo xusay in Senegal ay si weyn u ilaalisay dhaxalka hoggaamiyayaasheedii dimuqraadiyadda, halka Soomaaliya aysan weli dhisin hay’ado qaran oo lagu xafido taariikhda Aadan Cadde iyo kaalintii uu ku lahaa dowladnimada dalka.
Ugu dambeyn, qoraagu wuxuu ku baaqayaa in dowladda Soomaaliyeed ay qaaddo tallaabooyin lagu xoojinayo xuska Aadan Cadde, sida in manhajka waxbarashada lagu daro taariikhdiisa, la dhiso maktabad madaxweyne, matxaf qaran oo ka hadla taariikhda dastuurka Soomaaliya, xarun cilmi-baaris oo ku saabsan dimuqraadiyadda iyo abaalmarin qaran oo lagu maamuuso hoggaaminta ku dhisan daacadnimo iyo adeegga shacabka.
Si kastaba ha ahaatee faalladu waxay tilmaamtay in Aadan Cadde uu Soomaaliya uga tagay dhaxal ku saleysan dimuqraadiyad, sharciyad iyo hoggaan daacad ah, isla markaana waajib ay tahay in dowladaha maanta jira ay ilaaliyaan dhaxalkaas si uu u noqdo mid ay jiilasha mustaqbalka ka bartaan.