Warar laga helayo dalka Sacuudiga ayaa sheegaya geerida madaxweynihii hore ee Yemen Cabd Rabbuh Mansuur Haadi oo dibed joog ku ahaa dalka Sucuudiga.
Telefishinka Yemen ayaa sheegay in Cabd Rabbuh Mansuur Haadi uu ku geeriyooday magaalada Riyaad ee caasimadda Sacuudiga, halkaas oo uu muddooyinkii dambe ku noolaa.
Haadi ayaa xilka madaxweynaha Yemen qabtay sanadkii 2012, kadib kacdoonkii shacabka ee xilka looga tuuray madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saalax, isagoo hoggaanka dalka hayay xilli Yemen ay wajahaysay xaalado amni iyo siyaasadeed oo aad u cakiran.
Mudadii uu xilka hayay waxaa dalka Yemen ka curtay dagaallo sokeeye iyo kacdoon ay hoggaaminayeen Xuutiyiinta, kuwaas oo ugu dambeyn qabsaday magaalada Sanca, taasoo keentay in dowladda Haadi ay u guurto magaalada Cadan, ka hor inta uusan isaga u bixin Sacuudiga.
Cabd Rabbuh Mansuur Haadi ayaa muddo dheer ahaa siyaasi iyo sarkaal sare oo kamid ahaa dowladihii Yemen, waxaana geeridiisa si weyn looga hadal hayaa gudaha Yemen iyo guud ahaan gobolka Bariga Dhexe.