U bood dhigaalka

Waa kuma Safiirka Cusub ee uu Mareykanku u soo magacaabay Soomaaliya?

Sebteembar 16, 2026

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa magacaabay diblomaasi lagu magacaabo Devin Kennington inuu noqdo safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo magacaabista loo gudbiyey Golaha Senate-ka Mareykanka 14-kii September 2026 si loo ansixiyo.

Magacaabistan ayaa soo baxday xilli muddo bilo ah aanu Soomaaliya joogin safiir Mareykan ah oo si rasmi ah u ansaxsan, waxaana safaaradda Mareykanka ee Muqdisho maamulayey Justin Davis, oo ahaa ku-simaha madaxa safaaradda.

Kennington oo ah diblomaasi ka soo jeeda gobolka California,islamarkaana leh 15 sano oo khibrad arrimaha dibadda ah ayaa beddeli doonaa safiirkii hore Richard H. Riley IV, kaas oo xilka hayey 2024 ilaa lagu celiyey Washington bishii December 2025.

Devin Kennington waa diblomaasi ka tirsan waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, wuxuuna diblomaasiyadda Mareykanka ku biiray sanadkii 2011, asagoo  soo qabtay xilal diblomaasiyadeed oo kala duwan.

Khibraddiisa waxaa ka mid ah inuu kasoo shaqeeyey Brazil, halkaas oo uu ahaa ku-xigeenka qunsuliyadda magaalada Sao Paulo, iyo
Safaaradda Mareykanka ee Jabuuti, halkaas oo uu kasoo noqday madaxa arrimaha qunsuliyadda.

Waxa kale oo uu kasoo shaqeeyey Hong Kong, isagoo mas’uul ka ahaa adeegyada muwaadiniinta Mareykanka, waxaana waajibaadkiisii ugu dambeeyey ee Washington ka mid ahaa inuu hoggaamiyo qaybta Great Lakes Unit iyo inuu noqdo sarkaal sare oo qaabilsan arrimaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Khibradda Kennington ee Jabuuti ayaa si gaar ah muhiim ugu noqon karta xilka Soomaaliya, maadaama labada dal ay ku yaallaan meel istiraatiiji ah oo ku dhow Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

Jabuuti waxay martigelisaa saldhigyo militari oo ay leeyihiin dalal dhowr ah, waxaana gobolka Geeska Afrika uu muhiim u yahay amniga maraakiibta, la-dagaallanka kooxaha hubeysan iyo siyaasadda gobolka.

Inkasta oo xogta la helayo aysan muujinayn inuu Kennington horey safiir uga soo noqday dal Afrikaan ah, haddana waayo-aragnimadiisa Jabuuti iyo shaqadiisa arrimaha Afrika waxay siinayaan khibrad la xiriirta deegaanka uu hadda ka shaqo billaabayo.

Magacaabista Kennington waxay ku soo beegmaysaa xilli xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya uu weli si weyn ugu tiirsan yahay arrimaha amniga, la-dagaallanka Al-Shabaab, taageerada ciidamada Soomaaliya iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Sidoo kale, Mareykanka wuxuu Soomaaliya ku leeyahay dano la xiriira amniga gobolka, gaar ahaan Gacanka Cadmeed, Badda Cas iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab.

Liiska cusub ee magacaabista Trump waxaa sidoo kale ku jiray diblomaasiyiin loo magacaabay dalalka deriska la ah Soomaaliya, oo ay ku jirto Jabuuti, taasoo muujinaysa in Washington ay isku mar buuxinayso dhowr xil oo diblomaasiyadeed oo muhiim u ah gobolka.
Si kastaba ha ahaatee Kennington hadda waa safiir la magacaabay, balse magacaabistiisa waxay u baahan tahay in Senate-ka Mareykanka uu ansixiyo.