U bood dhigaalka

Sooyaalka Shiikh Xasan Nasrallah, ninka ay Israa’iil 40-ka sano baadi-goobaysay, balse ugu dembeyn ay dishay

Ururka Xisbullaahi ayaa xaqiijiyay geerida hoggaamiyahoodii Shiikh Xasan Nasrallah oo duqeymo xooggan oo ay Israa’iil ka fulisay koonfurta magaalada Beyruut ku naf waayay 27-kii bishan September.

Hoggaamiyahan mayalka adag ayay muddo dheer Israa’iil ku daba jirtay, asagoo ka badbaaday shirqoollo badan oo dhowr iyo soddonkii sano oo uu ururka Xisbullaahi madaxda u ahaa loo maleegay.

Haddaba waa kuma Shiikh Xasan Nasrallah?

Xasan Nasrallah wuxuu ku dhashay deegaanka Bourj Hammoud ee dalka Lubnaan, 31-kii October sanadkii 1960-kii, wuxuuna ka dhashay qoys diimeed Shiico ah.

Waxbarashadiisa aas-aasiga ah xog badan lagama hayo, balse waxay ilo kala duwani xaqiijiyeen inuu ka baxay machad ay koox shiico ahi maamusho, ka dibna uu ku biiray dhaqdhaqaaqii Amal ee ee 70-tameeyadii ka jiray dalkaasi Lubnaan.

Sanado ka dib wuxuu ku biiray ururka Xisbullaahi oo la aas-aasay 1982-dii, 10 sano ka dib oo ku beegnayd 1992-diina wuxuu noqday hoggaamiyaha guud ee ururkaas ka dib markii duqeyn lagu diley Abbas al-Musawi oo ahaa aas-aasihii dhaqdhaqaaqan hubaysan.

Ururka Xisbullaahi muddadii uu hogaaminayay Shiikh Xasan Nasrallah wuxu yeeshay cudud ciidan oo xoog leh, taas oo keentay inay noqdaan awood aan la dhayalsan karin oo Israa’iil ay ka haybaysato.

Waxyaabaha sumcadda Xisbullaahi kor u qaaday waxaa kamid ah dagaalkii ay Israa’iil la galeen dabayaaqadii sagaashamaadkii, kaas oo ugu dembeyn ku soo dhammaaday in militariga Yuhuudda ku qasbay inay ka baxaan deegaanno ay sanado badan haysteen oo ku yaalla koonfurta Lubnaan.

Sidoo kale wuxuu ururkani kaalin xooggan ku lahaa dagaalladii Lubnaan ee sanadihii 2005-2006, kuwaas oo lagu diley dad badan oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaarihii xilligaas Rafic Hariri, iyo colaadda dhowr iyo tobanka sano ka holcaysa dalka Suuriya.

Shiikh Xasan Nasrallah waa aabaha 5 carruur ah oo ay u dhashay haweenay lagu magacaabo Faadumo Yaasiin, wuxuuna ugu dambeyn ku baxay duqeymo diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil.