U bood dhigaalka

Ciidanka XDS oo howgal ka fuliyay deegaanno waqooyiga gobolka Baay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Kooxda Alshabaab ka fuliyay deegaannada dhaca Waqooyiga Gobolka Baay, gaar ahaan waddooyinka isku xira Gobollada Baay, Bakool iyo Gedo.

Taliyaha Guutada 8aad ee qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka dhame Axmed Macalin Cabdiraxmaan (Axmed dheere) ayaa xaqiijiyay in mudadii ay ciidanku howlagalka qorsheysan wadeen ay burburiyeen fariisimo ay Alshabaab halkaas ku lahaayeen.

Howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ayaa ka socda deegaanno badan oo kamida gobollada dalka, kuwaas oo ay wadaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanku.