U bood dhigaalka

Ruushka oo si kulul u cambaareeyay dilkii hoggaamiyaha Xisbullaahi

Dowladda Ruushka ayaa si kulul u cambaareysay dilkii hoggaamiyaha guud ee ururka Xisbullaahi Shiikh Xasan Nasrallah, ayadoo sheegtay in arrintaasi ay cawaaqib xun ku yeelan doonto xaaladda gobolka Bariga dhexe.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha dibadda Iran ayaa sheegay in dilka Shiikh Xasan Nasrallah ay Israa’iil ka qoomamayn doonto, islamarkaana falkani uu horseedi doono in maamulka Yuhuuddu aanu hadda ka dib nabadgelyo heli doonin.

Dhanka kale baarlamaanka Iran ayaa kulan degdeg ah ka yeelanaya jawaabta ugu mudan ee ay Iran arrintan ka bixin doonto, waxaana isi soo taraya wararka ku saabsan falcelinta dunida ay ka bixinayso dilka Shiikh Xasan Nasrallah oo kamid ah hoggaamiyaasha saameynta xooggan ku leh xaaladda gobolka Bariga dhexe.