U bood dhigaalka

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed oo kormeer ku tagey Taliska Qeybta guud Booliiska gobolka Banaadir

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta dambi baarista Ciidanka Booliiska ee CID iyo Taliska Qaybta Guud ee Booliiska gobolka Banaadir, si uu ugu kuur galo adeegyada ay xarumahani u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Taliyaha oo ugu horreyn salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa waxa uu kormeeray Xafiisyada ay ku shaqeeyaan mas’uuliyiinta iyo howl-wadeenada Laanta CID iyo hannaanka hufnaanta shaqo ee loogu adeego shacabka, isaga dhageystay cabashooyinka qaar ka mid ah dadka shacabka ah ee xarunta loogu adeegayay.

Sidoo kale, Taliyaha oo kormeeray habsami u socodka howlaha shaqo ee xarumaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, ayaa gaaray Xarunta Taliska Qaybta Guud ee Booliiska gobolka Banaadir, halkaasi oo uu kulan kula qaatay, Taliska Qaybta iyo Saraakiisha ammaanka.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa Saraakiisha ka dhageystay Warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee Caasimadda, howlgallada guuleystay ee looga hortagay isku dayada qalqal galinta amniga ee Kooxda Alshabaab iyo qorsheyaasha cusub dardargelinta sugidda ammaanka magaalada Muqdisho, isagoo faray inay sii laba jibaaraan dadaalkooda, si shacabka Soomaaliyeed u helaan kalsooni amni oo dhammeystiran.