U bood dhigaalka

kabtankii Diyaaradda Turkish Airlines oo Geeriyooday Isagoo Ku Jira Duulimaad

Waxaa geeriyooday kabtankii Diyaaradda Turkish Airlines kadib markii uu xanuunsaday isagoo ku jira duulimaad ka yimid Seattle oo ku sii jeeday Istanbul, Turkiga.

Kabtanka Ilcehin Pehlivan, oo 59 jir ahaa, ayaa ku xanuunsaday hawada, waxaana duulimaadka la wareegay kabtankii labaad iyo co-pilot, sida uu sheegay afhayeenka shirkadda diyaarada ee Yahya Ustun bartiisa X (Twitter).

“Waqtigii gurmadka degdega ah lagu sameeyay kabtankeena diyaaradda gudahooda uu guuleysan waayay, shaqaalaha qolkii duulimaadka… waxay go’aansadeen inay samaystaan degitaan degdeg ah, balse wuu dhintay ka hor intaan la degin,” ayuu yiri Yahya Ustun.

Diyaaradda Airbus A350 waxay ku degtay New York, waxaana la sameeyay qorsheyaal lagu sii qaadayo rakaabka ilaa Turkiga, ayuu intaas ku daray.

Duulimaadka TK204 wuxuu ka duulay Seattle wax yar ka dib 19:00 fiidnimo Talaadadii.

Pehlivan wuxuu la shaqeynayay Turkish Airlines tan iyo 2007, waxaana bishii Maarso ee ugu dambeysay lagu sameeyay baadhitaan caafimaad oo joogto ah, kaasoo aan wax dhibaato ah lagu arkin oo saameyn karta shaqadiisa, sida ay sheegtay shirkadda diyaaradda.

Ururka kormeerayaasha hawada Turkiga ee TATCA ayaa sheegay inuu sanado badan u adeegayay bulshada duulista, waxayna tacsi u direen qoyskiisa, saaxiibadiis iyo asxaabtiisa shaqada.

Sababta dhimashada duuliyaha weli lama shaacin. Duuliyayaasha waa in ay maraan baaritaan caafimaad 12 bilood kasta, halka kuwa ka weyn da’da 40 ay cusbooneysiiyaan shahaadada caafimaad lix bilood kasta.

Sannadkii 2015, duuliye ka tirsan American Airlines oo 57 jir ahaa ayaa dhintay intii lagu guda jiray duulimaad habeenimo oo u dhexeeyay Phoenix iyo Boston.