U bood dhigaalka

Howlgallo ka socda Baydhabo ka dib markii lagu dilay Nabadoon caan ah

Sheeko:War

Ciidanka Booliska iyo nabad sugida degmada Baydhabo ayaa bilaabay howlgallo ay ku baadigoobayaan kooxo hubeysan oo xalay Baydhabo ku dilay Nabadoon Yacquub Xasan Xaaji.

Allaha u naxariistee Nabadoon Yacquub Xasan Xaaji ayaa ka mid ahaa madax-dhaqameedyada ku sugan xarunta Gobolka Baay.

Kooxda weerarka geysatay ayaa goobta ka baxsatay, hase yeeshee ciidanka ammaanka ayaa goobta soo gaaray wax yar kaddib dilka, iyaga oo billaabay howlgallo lagu raad raacayo dableydaas, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo kala duwan.

Hay’adaha ammaanka ee Baydhabo ayaa sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan soo qabashada dambiilayaasha, iyaga oo xusay in baaritaanadu weli socdaan si loo xaqiijiyo in sharciga la hor keeno dadka dilka ka dambeeyay.

Howlgalka ayaa si gaar ah uga socda Xaafadda Bardaale oo dilka uu ka dhacay.