U bood dhigaalka

Warbixin: Warbaahintu ma ka qeyb-qaatan kartaa xallinta ay weriso?

Warbaahinta Soomaalidu waxay si maalinle ah u warisaa warar iyo warbixinno ku saabsan dhacdooyin taban ama dhibaatooyin culays ku ah nolosha dadweynaha iyo hannaanka dowladnimada.

Dhacdooyinkaas intooda badan isku werin iyo hadal-hayn maalmo kooban socata ayaa looga gudbaa oo laysma weydiiyo waxyaabaha gun-dhigga u ah, taasina waa midda keentay in kuwa lamid ahi ay si joogto ah u dhacaan, maxaa-yeelay wixii keenay ayaa weli taagan.

Haddaba warbaahintu ma ka qeyb-qaatan kartaa xallinta dhibaatooyinkaas?

TV-ga goobjoog ayaa qabtay dood arrintaas ku saabsan oo ay ka qeyb-galeen xeeldheereyaal warbaahineed ayaa lagu faaqiday sida ay wariyaashu kaalin uga qaadan karaan xallinta dhibaatooyinka ay tabiyaan.

Wariye Haaruun Macruuf oo kamid ah rugcaddaayaasha warbaahinta ayaa sheegay in loo baahanyahay in war-fidiyeenku ay la yimaadaan aragti iyo hal-abuur is badel dhaliya oo kaalin ka geysan kara xallinta dhibaatooyinka soo noq noqda.

Wuxuu wariyaasha ugu baaqay inay wararka iyo warbixinnada ay tabinayaan ku daraan aragtiyo hal-abuur iyo baaris ku gaashaaman oo fududayn kara inaan dhacdooyinka argagaxa lihi soo noq noqan ,dhibaatooyinka taaganna meesha laga saaro.

In waxyaabaha xalka gacan ka geysan kara ay warbaahintu ay ku lifaaqdo wararka iyo warbixinnada ay tabinayso ayaa loo arkaa mid ka qeyb-qaatan karta ka hortagga dhacdooyin gurracan ee soo noq noqda iyo furdaaminta dhibaatooyinka taagan, hannaankaas oo lagu magacaabo xalka war-fidiyeenkana waxaa sanadkii 2010-kii billaabay laba wariye oo ka tirsanaa wargeyska Newyork Times.