U bood dhigaalka

Ciidanka xoogga dalka oo howgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan

Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgallo qorshaysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada buulo-barde ee gobolka Hiiraan, sida ay sheegtay warbaahinta ciidamadu.

Ururka 8-aad, guutada 18-aad ee kumaandooska Gor-gor iyo Ciidanka Deegaanka  oo is kaashanaya ayaa howlgalladan ka fuliyey wadada xariirisa magaalooyinka Buulo-barde iyo Halgan iyo deegaanno kale oo aaggaas dhaca.

Howlgalkan ayaa waxaa hogaaminayay Taliyaha Ururka 8-aad ee Guutada 18-aad ciidanka Gor-gor Dhamme Naqiib Abdullahi Hersi , wuxuuna shwegah taliyuhu in howlgalku guul ku soo dhamaaday, ayna ka hortageen falal ay kooxda Alshabaab qorshaynayeen.