U bood dhigaalka

Maxay yihiin qaxootiga Turkida ah ee laga daad-guraynayo Kenya?

Qaramada Midoobay ayaa  dhowaan sheegtay inay ka walaacsantahay qaxooti u dhashay dalka Turkiga oo Kenya ku nool, kuwaas oo dalkooda qasab loogu celinayo.

Sidoo kale kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in dhowr qof oo u dhashay Turkiga lagu afduubay gudaha kenya si loogu celiyo dalkooda, taas oo ay ku tilmaameen mid sharci-darro ah.

Afarta qof oo lagu kala magacaabo Mustafa Genc, Huseyin Yesilsu, Ozturk Uzun iyo Alparslan Tasci ayaa jimcadii la soo dhaafay dib loogu celiyay Turkiga, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya.

Dadkan ayaa u badan xubno ku luglahaa afgembigii dhicisoobay ee sanadkii 2016 ka dhacay Turkiga iyo qaar gacan-saar la leh wadaadka lagu magacaabo Fatxullaahi Guulaan oo aad uga soo horjeeda siyaasadda madaxweyne Erdogan.

Wadaadkan ayaa maamula hay’ado iyo ururro badan oo kuwo arrimaha sama-falka ka shaqeeyaahi ay ku jiraan, kuwaas oo ka howlgala dalalka dunida qaarkood, waxayna dowladda Turkigu doonaysaa inay xididada u siibto ururradaas.