U bood dhigaalka

AKHRISO: Qodobada muhiimka ah ee looga hadlay Shirka Golaha Wasiirrada Soomaaliya

Kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyey heshiis muhiim ah oo is-afgarad ah oo ku saabsan iskaashiga difaaca Soomaaliya iyo Tanzania.

Heshiiskaan waxa uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo difaaca.

Wuxuu siinayaa labada waddan fursado wada-shaqeyn oo ku saabsan arrimaha millatariga, tababarrada ciidanka, iyo la-dagaallanka argagixisada.

Kulanka waxaa guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, waxaana lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo kala duwan, kuwaas oo diiradda lagu saaray arrimaha amniga iyo hirgelinta qorshayaasha qaranka ee muhiimka ah. Warbixinahaas waxa ay ka koobnaayeen dhowr qodob oo ay kamid yihiin:

  1. Amniga iyo Xaaladda Dalka:

Waxaa la isla falanqeeyey xaaladda amni ee dalka, gaar ahaan howlgallada ka socda gobollada looga horjeedo kooxaha Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee khatarta ku haya amniga qaranka. Wasiirrada ayaa adkeeyey baahida loo qabo iskaashi xooggan oo gudaha iyo dibadda ah si loo xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida dalka.

  1. Qorshaha Isbeddelka Qaranka (National Transformation Plan – NTP):

Waxaa la faahfaahiyey halka uu marayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka, oo ah qorshe istiraatiiji ah oo lagu hormarinayo dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo adeegyada bulshada. Waxaana la soo bandhigay guulaha ilaa hadda laga gaaray iyo caqabadaha horyaalla hirgelinta qorshahaas. NTP wuxuu muhiim u yahay in dalka loo jiheeyo tubta horumarka iyo dib-u-dhiska qaranka.

  1. Jihaynta Warbaahinta:

Golaha Wasiirrada ayaa dood ka yeeshay habka loo hago warbaahinta dalka iyo muhiimada ay leedahay wacyigelinta bulshada. Waxa uu qorshuhu yahay in warbaahinta loo adeegsado xoojinta nabadda iyo wacyiga bulshada, si ay kaalin muuqata uga qaadato horumarinta qaranka.

  1. Dhaqan-gelinta Canshuurta Gadiidka:

Waxaa sidoo kale laga hadlay dhaqan-gelinta canshuurta gadista (VAT) oo dalka laga hirgelinayo. Wasiirradu waxay isla garteen muhiimadda ay canshuurtaasi u leedahay dhaqaalaha dalka iyo bixinta adeegyada muhiimka ah ee bulshada.