U bood dhigaalka

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Laba Heshiis oo Muhiim ah oo lala galay Muritaaniya

Ogoosto 27, 2026

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga iyo dagaalka lagula jiro Shabaab.

Kulanka oo uu shir-guddoomiyey Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa Golaha Wasiirradu ku ansixiyeen laba heshiis oo ay Soomaaliya la gashay dowladda Muritaaniya.

Heshiisyada la ansixiyey ayaa kala ah Heshiiska Wada-tashiyada Siyaasadeed iyo Heshiiska Iskaashiga Barnaamijka Tababbarka Diblumaasiyadda.

Heshiisyadan ayaa muhiimad gaar ah u leh xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Muritaaniya, iyadoo diiradda la saarayo wada-tashiyada siyaasadeed iyo horumarinta aqoonta iyo xirfadaha diblumaasiyiinta labada dhinac.

Dowladdu waxay sheegtay in heshiisyadu ay gacan ka geysanayaan sii xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada ay danaha wadaagaan.