Muqdisho, 8 Oktoobar 2026 — Waxaa maalmo kooban ka harsan yihiin dhaqan-gelinta qodobbada Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee kala saaraya xildhibaannimada iyo xilka wasiirnimo, iyadoo arrintan ay si toos ah u saameynayso 16 wasiir oo ka tirsan Golaha Wasiirrada, kuwaas oo sidoo kale ah xildhibaanno.
Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa sheegay in 14-ka Oktoobar 2026 ay dhaqan-gelayaan Qodobka 81aad, Faqraddiisa 1aad, xarafka (f), iyo Qodobka 117aad, Faqraddiisa 3(a). Qodobbadan ayaa kala saaraya labada xil.
Cali Yuusuf Cali (Xoosh) — Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta
Maxamed Aadan Macallim Cali (Maxamed Soomaali) Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada
Saalim Caliyow Ibrow Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Cabdifataax Qaasim Maxamuud Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
Abdisalam Abdi Ali — Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga
Mohamoud Abdirahman Sheikh Farah (Beena Beene) — Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha
Khadija Mohamed Al-Makhzoumi — Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka
Abdullahi Sheikh Ismail (Fartaag) Wasiirka Amniga Gudaha
Mohamed Abdi Hayir Mareye — Wasiirka Beeraha iyo Waraabka
Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Bashiir Maxamed Jaamac
Hassan Hussein Mohamed (Elaay) Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Daaqa
Mohamed Farah Nuh — Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada
Ayuub Ismaaciil Yuusuf — Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta.
Bihi Iman Egeh — Wasiirka Maaliyadda
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir
Ali Haji Adan Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada
Abdullahi Bidhan Warsame Wasiirka Tamarta iyo Biyaha
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi