U bood dhigaalka

GOLAHA WASIIRRADA OO ANSIXIYAY QARAARKA DHAQAN-GELINTA DASTUURKA

Oktoobar 13, 2026

Muqdisho, 13 Oktoobar 2026 — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay qaraarka dhaqan-gelinta Dastuurka, iyaga oo sidoo kale guddi wasiirro ah u saaray diyaarinta hindise-xeerka qeexaya tirada xubnaha Xukuumadda iyo waajibaadkooda.

Shir aan caadi ahayn oo caawa uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa looga hadlay fulinta Dastuurka, dowlad-dhiska, xoojinta hay’adaha dowladda iyo horumarinta nidaamyada maamulka qaranka.

Goluhu wuxuu guddi uu hoggaaminayo Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka u xilsaaray dardargelinta fulinta Dastuurka iyo diyaarinta hindise-xeerka dhismaha Xukuumadda, kaas oo lagu wado in lagu soo diyaariyo muddo laba bilood ah.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Xukuumadda, xeerkan ayaa qeexaya tirada xubnaha Xukuumadda iyo waajibaadkooda, waxaana lagu tilmaamay xeer markii ugu horreysay dalka yeelanayo tan iyo 1968-kii.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Dastuurku dhaqan-gal yahay, fulintiisana loo marayo marxalado kala duwan. Waxa uu sidoo kale xusay in Xukuumaddu ku howlan tahay sidii sannadka 2027 dalka looga qaban lahaa doorasho qof iyo cod ah oo heer federaal ah, sida uu dhigayo Dastuurka dalka.

Dhanka kale, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay warbixin ku saabsan dib u soo celinta nidaamka code-ka Soomaaliya ee IATA, kaas oo loo adeegsado maamulka iyo nidaaminta tikidhada diyaaradaha.

Wasaaraddu waxay sheegtay in dib u soo celinta nidaamkan ay Soomaaliya u suuragelinayso inay xoojiso awooddeeda maareynta adeegyada tikidhada duulimaadyada iyo xiriirka nidaamyada safarrada caalamiga ah, taas oo qayb ka ah horumarinta adeegyada duulista rayidka iyo dib u soo celinta xuquuqo muhiim ah oo dalka ka maqnaa.